Skip to content
Scan a barcode
Scan
Paperback Xusuusqor: Dagaalladii Sokeeye Dis.30/1990 -Juun1994 [Somali] Book

ISBN: 1907540792

ISBN13: 9781907540790

Xusuusqor: Dagaalladii Sokeeye Dis.30/1990 -Juun1994 [Somali]

Ma aha riyo. Ma aha dheelallow. Waa dhab in ay Soomaalidu kol ahayd dad mid ah oo dalkooda jecel. Dad isu hiilliya, isu ficilooda. Waxay taageeri jireen cid kasta oo Gobannimadeeda u halgamaysa, ha ahaadeen Falastiiniyiin, Soomaali, Afrikan ama kuwo qaarado kale ku nool oo Afrika ku abtirsada oo midabkooda loogu dawgalo sida xasaradihii foosha xumaa ee midabtakoorka, xagga waxbarashada, ee kontomeeyadii ka dhacayey Little Rock, Arkansas (Ameerika) iyo meelo kale. Waa mabda' aan xudduud lahayn.

Istaageeridda Soomaalidu waxay ahayd halgan dhinacyo badan. Tusaale: Ardayga ku taxan dugsiga Maamulka, sida qoraaga buuggan iyo jaalalkiisii, wixii ay gelinka hore soo barteen ayay gelinka danbe ka dhigayeen dugsiyada Xarunta S.Y.L. Ardaygu, kolkii uu buugga saddexaad dhammeeyo, galabtii wuxuu ahaa bare dhigaya buugga kowaad. Afafka qalaad ka sokow, waxaa la baran jirey Af-Soomaaliga oo lagu qorayo far Cismaaniye sida uu jideynayey Dastuurkii hore ee S.Y.L. qodobkiisa 5aad.

Farriinta ballaaran ee uu Xusuusqorkani xambaarsan yahay waxay ku kooban tahay oraahda duluc hoosaadda u ah magaca buugga ee ah sida ay qabyaaladdu u tahay cudurka halista ah ee sumeeyey bulshadan iswalaalaysigii iyo kalsoonidii lumisay.

Recommended

Format: Paperback

Condition: New

$23.00
Ships within 2-3 days
Save to List

Related Subjects

History

Customer Reviews

0 rating
Copyright © 2026 Thriftbooks.com Terms of Use | Privacy Policy | Do Not Sell/Share My Personal Information | Cookie Policy | Cookie Preferences | Accessibility Statement
ThriftBooks® and the ThriftBooks® logo are registered trademarks of Thrift Books Global, LLC
GoDaddy Verified and Secured