Skip to content
Scan a barcode
Scan
Paperback Tiryaaq. Tallaalka Shubhada [Somali] Book

ISBN: 8269367729

ISBN13: 9788269367720

Tiryaaq. Tallaalka Shubhada [Somali]

Kitaabkan hortaada yaallaa waa miiddii laga tuujiyey siddeed sanno oo *baaris*, akhris, wadasheekaysiyo iyo doodo ahaa, aniga oo isku taxallujiyey in aan wixii is lehba dhinac isku mariyo, waxana aan ku dedaalay in aan habeeyo oo quraaro. Waxana aan markaas ka bilaabay meesha ay tahay in laga duulo, taas oo ah in aan saxo ilaha aqoonta laga qaato, taas oo ahayd ka dib markii aan salka u dhigay qaybo ka mid ah hordhacyada muhiimka ah ee shubuhaatka ku sabsan. Intaas ka dib waxa aan tooshka ku ifiyey manaahijta seeska u ah shubuhaatka, waxana aan xusay kuwayawga ugu muhiimsan waanan naqdiyey, intaas dabadeed waxa aan soo qaatay seesaska lagu dul dhisay shubuhaatka oo waxa aan ka tagay dhif iyo naadir noqonayo. Intaas ka dib waxa aan jeexay khariidad-hawleeddii aan ku burin lahaa shubuhaatka, taas oo koobsanaysa tallaabooyin dhayda ka cad, waxana aan buugga ku soo afmeeray tusaaleyaal xul ah oo shubuhaatka ku saabsan, aniga oo isku dayaya in aan si hawlqabad ah u dabbaqo tallaabooyinkaas aan ku burinayo.
Shubuhaatkuna waa ciiddaas iyo camaarkaas oo kolba waa soo xuubdhacsadaan, in la koobaana waa adag tahay, waxa aan markaas rajeynayaa in buuggani noqdo mid si mugweyn u qaadaadhigaya shubuhaatkii, kaas oo xoogga saaraya in la daweeyo jirridda shubuhaatka, in ka badan inta uu daweynayo kaamaheeda. Waxana xikmadda ka mid ah in xididdada loo siibo geedka xun, halkii la isku hawli lahaa in la gaagaabiyo laamaha qaayisay; maxaa yeelay haddii aad laamaha gaagaabiso waxa soo biqlaysa uun laan kale, haddii se aad geedka gabigiisaba xididdada u siibto dhammaan laamihii oo dhan ayaa wada dhacaya, xitaa haddii uu geedkaasi lahaa kun laamood

Recommended

Format: Paperback

Temporarily Unavailable

We receive fewer than 1 copy every 6 months.

Save to List

Customer Reviews

0 rating
Copyright © 2026 Thriftbooks.com Terms of Use | Privacy Policy | Do Not Sell/Share My Personal Information | Cookie Policy | Cookie Preferences | Accessibility Statement
ThriftBooks® and the ThriftBooks® logo are registered trademarks of Thrift Books Global, LLC
GoDaddy Verified and Secured