Skip to content
Scan a barcode
Scan
Paperback Taariikhda Culimada Soomaaliyeed [Somali] Book

ISBN: 8269348430

ISBN13: 9788269348439

Taariikhda Culimada Soomaaliyeed [Somali]

Qarniyadii dhexe waxaa geyiga carbeed caan ka noqdey culimo asal ahaan ka soo jeedda geeska Afrika ee ay degaan dadka ay ka mid yihiin Soomaalidu, kuwaa oo qeyb lixaad ka qaatey kaalimo kala duwan oo kaga aaddanayd horumarka bulshada, ha ahaato dhanka cilmiga iyo faafintiisa, ama dhanka garsoorka, tarbiyadda iyo gundhigga diinta Islaamka. Culimadaasi kuma aysan jaango'neyn degaan keliya e, waxay ku kala firirsanaayeen dhammaan geyiga carbeed, muddooyin kala duwan.


Raadraaca taariikhda culimada Soomaaliyeed ee waayadii hore waxaan ku ogaan karnaa heerka iyo baaxadda ay gaarsiisan tahay magaca iyo qiimaha ay ku lahaayeen bulshada Islaamka dhexdeeda, waxaana hubaal ah in aanay jirin magaalo ama goob ay bulshadu deggan tahay oo aanay joogin culimo ku xeel dheer diinta iyo cilmiga la xiriira.

Waxase nasiib xuma ah in uusan jirin ilaa iyo hadda buug lagu soo bandhigo sooyaalkii culimada Soomaaliyeed oo ka faalloonaya taariikhdooda oo keliya, afka uu rabo ha ku qornaadee, in kasta oo ay jirto in qorayaal badan ay isku dayeen inay wax uun ka xusaan culimada qaarkeed iyo waayahoodii oo ay ku dhex dareen cilmi-baarisyo kale oo laga sameeyay cilmiga iyo faafinta diinta ee dalka Soomaaliya.


Recommended

Format: Paperback

Condition: New

$21.87
Ships within 2-3 days
Save to List

Related Subjects

History

Customer Reviews

0 rating
Copyright © 2026 Thriftbooks.com Terms of Use | Privacy Policy | Do Not Sell/Share My Personal Information | Cookie Policy | Cookie Preferences | Accessibility Statement
ThriftBooks® and the ThriftBooks® logo are registered trademarks of Thrift Books Global, LLC
GoDaddy Verified and Secured