Skip to content
Scan a barcode
Scan
Paperback Noolays: Ha samaato, Ha la helo Book

ISBN: 1513696785

ISBN13: 9781513696782

Noolays: Ha samaato, Ha la helo

NOOLAYS waa buug inagu baraarujinaya in adduunyada tahay halka aakhiro looga shaqaysto oo lagu qabto gacanta, aakhirona lagu qabto qalbiga. Waxa sidoo kale buuggu ina barayaa ama inna xasuusinayaa in aadamuhu guud ahaan u siman yahay cilmiga, tiknoolajiga, horumarka iyo gacan ku haynta awoodda dunida. Waxa buuggu inna xasuusinayaa in muslinka xoogga lihi ka wanaagsan yahay muslinka awoodda daran iyo in gacanta sare ka wanaagsan tahay gacanta hoose.
Waxa buuggu cuskanayaa aayado Quraan ah, axaadiis, iyo sheekooyin tusaale ah oo ay tahay in si aad ah loogu adeegsado wacdiga iyo waxsheegga si qofka muslinka ah loo tuso awoodihiisa qarsoon iyo inuu tusaale dhaqan wanaag lagaga daydo u noqdo aadamaha dunida ku nool oo dhan iyo in binu'aadamku ay tahay inuu ku wada noolaado nabad iyo isxushmayn. Waxa uu innagu boorrinayaa in qofka muslinka ahi aanu horumarka, cilmiga iyo awoodda marti uga noqon aadame kale balse in isaga marti looga noqdo mar haddii uu aadamaha kale dheer yahay nimcada islaamka ee Ilaahay ku galladaystay.

Recommended

Format: Paperback

Condition: New

$16.53
Ships within 2-3 days
Save to List

Customer Reviews

0 rating
Copyright © 2026 Thriftbooks.com Terms of Use | Privacy Policy | Do Not Sell/Share My Personal Information | Cookie Policy | Cookie Preferences | Accessibility Statement
ThriftBooks ® and the ThriftBooks ® logo are registered trademarks of Thrift Books Global, LLC
GoDaddy Verified and Secured