Waayuhu dhib badanaa, waqtiguna tusaale iyo tagto iyo durufo badanaa! Waxaan maqli jiray if iyo aakhiro laakiin tani waa aakhiro iyo adduun! Noloshu waa dhacdooyin iyo ummuuro is daba yaal oo tilmaamahooda wata.Buuggan intii aan akhriyayay marna ishu ma qaban sadar i farxad geliya ee dhacdaba mid ka sii murugo badan ayay ii sii gudbineysa. Ha yeeshee, waxaan ku qancay magaca buugga, Xabaasha Dadka Nool: Jeel Ogaadeen, oo waxaan ogaa inaan la joogay dad meyd, meyd-u-yaal iyo meyd nool ah! Dareenkaas laftiisu ciqaaban ayaan lahaa intii aan ku guda jiray akhriska buuggan.Saxiibbo, ehel, iyo asxaab badan oo jeel-ciqaabeedkan lagu soo xabaal ololiyay ayaan la kulmay laakiin sheeko mooyee weli ma arag qof ku dhiirrada in uu dharaarihii qadhaadhaa ee adduun iyo aakhiro qoraal ahaan inoo ku soo tebiya mahadhooyinkii is xanbaarsana ee Jeel Ogaadeen. Sidaas daraaddeed, waxaan ku hanbalyeeynayaa qoraaga buuggan xasuus arag-maqal reeb ah oo uu sawir dareen huwan inoo ku soo gudbiyey.
ThriftBooks sells millions of used books at the lowest everyday prices. We personally assess every book's quality and offer rare, out-of-print treasures. We deliver the joy of reading in recyclable packaging with free standard shipping on US orders over $15. ThriftBooks.com. Read more. Spend less.