Skip to content
Scan a barcode
Scan
Hardcover Hal Tisqaaday, Halabuurkii Cali Sugulle (Duncarbeed) [Somali] Book

ISBN: 0995753393

ISBN13: 9780995753396

Hal Tisqaaday, Halabuurkii Cali Sugulle (Duncarbeed) [Somali]

Buuggu waxa uu ka kooban yahay halabuurkii Cali Sugulle ee dhawr xilli oo xidhiidhsanaa iyo sooyaalkiisii qofnimo. Marka laga yimaaddo barbaaritaankiisii, waxbarashadiisii, noloshiisii qoysnimo, iyo shaqooyinkii uu soo qabtay markii uu dugsiga Sheekh ka baxay, waxaa qaybaha hore ee buugga ibafurkiisu xambaaray tisqaadkii halabuurka Cali Sugulle iyo jaadgoonnimadiisa; isaga qof ahaan iyo halabuurkiisa iyo baadisoocda u gaarka ah oo ay ka xogwarramayaan dad kala duwan oo Cali iyo halabuurkiisa aqoon durugsan u wada lahaa ama halabuurkiisa uun ku koobnaa oo halkaa Cali ka bartay.


Ka dib, waxaa raacaya halabuurkii afar xilli oo dhacdooyin waaweyn iyo isdiiddooyin kakani ka ilmo-rogteen dhulalka Soomaalida ee Geeska Afrika: xilligii gobannimo-doonka, xilligii xukuumadihii rayadka ahaa, xilligii Tawradda, iyo xilligii burburka.


Waxaa gaar ah oo buugga ku jira 13 riwaayadood oo uu Cali Sugulle halabuuray afartaas xilli intii u dhexaysey iyo riwaayad uu dhawr abwaan oo kale la allifey, iyada oo riwaayad kasta marka ay ugu yaraato la helay ujeeddadii uu Cali samaynteeda ka lahaa iyo dhawr dheeg oo ka mid ah, marka laga reebo labada riwaayadood ee Indhasarcaad iyo Kala Haab Kala Haad oo buuggu xambaaray iyaga oo sheekooyinkoodii dhammaystiran yihiin.


Cali Sugulle iyo halabuurkiisu waa badweyn lagu hafanayo, lagana qori karo tobannaan buug oo xaglo kala duwan laga eegi karo. Buuggan Hal Tisqaaday waxa uu laangooyo u yahay buugaagtaas Cali Sugulle laga qori karo.



Recommended

Format: Hardcover

Condition: New

$29.29
Ships within 2-3 days
Save to List

Customer Reviews

0 rating
Copyright © 2026 Thriftbooks.com Terms of Use | Privacy Policy | Do Not Sell/Share My Personal Information | Cookie Policy | Cookie Preferences | Accessibility Statement
ThriftBooks ® and the ThriftBooks ® logo are registered trademarks of Thrift Books Global, LLC
GoDaddy Verified and Secured