Skip to content
Scan a barcode
Scan
Paperback Faca Koraya Book

ISBN: B0CQ5QD8GK

ISBN13: 9798868455667

Faca Koraya

Ka dib markii uu qoraaga dhanbaalkani soo gaadhay ayuu u horseeday in uu buuggan ka allifo:

"Waxa aan ka tirsanahay lod badiba qaab nololeedkiisu uu yahay madadaalo liidata sida: kutirikuteen, dheel, filimaan, kubbad iwm. Diin ahaanna ka taag daran oo qaarkayo aanay tukanba, inta tukataana ay Jimcaha uun masjidka tagaan. Aqoon ahaan jaahilnimo xeeldheer ay hadhaysay, higsi uu beegsanayo oo ku raadjoogana aan lahayn, nolosha adduunna dhaldhalaalkeedu uu indhadaraandariyay.
Lodkaasi kuma uu hanaqaadin goobaha korkaqabashada (xifdinta) Quraanka, waayihii wax akhris ugu danbaysayna waa dhallaannimadii dhiganayaashii carruurta ama sheekafaneedyo uu yaraantiisii dheehday. Si kedis ah waxa u horyimi qorshayaal kala taggan oo aqoonta loo dhigayo ah, waxana ay isla falgali waayeen habnololeedkiisii hore ee higsi la'aanta iyo baraarug darrada ahaa. Dhiganihii uu qaadaba inta uu isha yara mariyo ayuu dhigayaa. Taxane muuqaallo ah oo bandhigyo aqooneed ah ayuu daawashadooda iyo ka-bogashadooda maagayaa (damcayaa), waxana uu iska diwaangelinayaa bandhig aqooneed iyo laba iyo saddexba, waxaas oo dhanna waxa dheer cabashooyinka kale ee ay hadh iyo habeen lodkaasi la soo kambadhuudhaan. Waxa laf dhuun gashay ku noqonaya habkii uu isu maarayn lahaa. Sababtuna waa in yoolka uu soo taabistiisa maaggan yahay madmadow kaga jiro oo aanu u caddayn. Higsi ma laha, qorshe uu dartii dhibaabaha u xammilo ma uu dejisan, badankayaguna waxa aanu qabnaa bukaan nafsadeedka murugada iyo iskubuuqa (Depression), kaasina waa arrin kale oo ka-bogasho mudan.
Isla lodkani haddana waxa uu ku suntan yahay wanaagyo ugaqaateen ah. Way garaad badan yihiin, way niyad san yihiin, in dhanka roon la isu beddelo way u jeellan yihiin, in ay u dul'lahaadaan wixii kaga yimaadana way awoodayaan Ilaahay ﷻ oggolaanshihii. Balse waxa ay tebayaan tilmaamis iyo taakulayn toosin ah, iyo sidoo kale daryeel iyo dardargelin lagu guulo.
Aniguna markii aan qaaday jidkan - bandhigyada aqoonta waxtarka leh - waxa i lug qabtay fashilkayga oo higsigaygii iga hungeeyay, waxana uu igu reebay baqe hawlgab iga dhigay. Aqoontii imminka waan ka hadhay, bandhig aqooneedyadii ii habaysnaa ee aan la tallaabsanayayna waan ka go'ay, aniga oo naftayda uga tudhaya cadaabista aanay ka soo kabanayn.
Waxa aan marayaa xilli, haddii la i tooyan lahaa hal erey ku soo koob aan ku soo ururin lahaa "Lunsanaan".
Waxa aan ku toyanayaa weydiimo malyan Dollar la siisto:
Sidee ayaan ku ogaan karaa ka aan ahay?
Ka aan maagganahay in aan noqdo?
Sidee ayaan u dhambalaa ceeryaamadan i indhasaabtay ee igu gedaaman, si aan uga bogto aragtidayda iyo suuraysiga aayahayga iyo xidhiidhka aan la yeelan doono aqoonta iyo ogaalka?
Sidee ayaan ku garan karaa waxa aan jeclahay iyo waxa aan ku habboonahay?
Waan sugayaa warcelintaada, Ilaahayna ﷻ annaga iyo adigaba ha ina waafajiyo "

Recommended

Format: Paperback

Temporarily Unavailable

We receive fewer than 1 copy every 6 months.

Customer Reviews

0 rating
Copyright © 2025 Thriftbooks.com Terms of Use | Privacy Policy | Do Not Sell/Share My Personal Information | Cookie Policy | Cookie Preferences | Accessibility Statement
ThriftBooks ® and the ThriftBooks ® logo are registered trademarks of Thrift Books Global, LLC
GoDaddy Verified and Secured