Skip to content
Scan a barcode
Scan
Paperback Baadisooc: Diiwaanka sooyaalka Xeebaha Soomaalida oo wata 340+ sawir oo midab ah. [Somali] Book

ISBN: 1983592714

ISBN13: 9781983592713

Baadisooc: Diiwaanka sooyaalka Xeebaha Soomaalida oo wata 340+ sawir oo midab ah. [Somali]

Hambalyo. Baadisooc waa "diiwaanka sooyaalka xeebaha Soomaalida". Waxa uu bannaanka soo dhigayaa xog buug-dhaariyadu (akhris yahan) kolkii ay arkaan ay garan doonaan sidii ay awal u kala filiqsanayd imminkana badankeed Baadisooc la isugu keenay. Waa hambalyo u soo hoyatay 24 malyan oo afka Soomaaliga ku hadasha. In kasta oo magaca kore sheegayo 340+ Soosaarka 2aad ee Baadisooc waxa uu wataa ugu yaraan 360 sawir-kolka la kala tiriyo sawirro 4-8 isugu qabsan, oo midab ah oo muujinaya deegaannada xeebaha iyo dhacdooyinkooda. Haddii aad Baadisooc ku aragto in Soomaalidu ugu dhowdahay ciddii ugu horreysay oo dhaqashada geela dunida bartay qarnigii 2aad iyo kii 3aad, ha dhakafaarin arrimo ka sii amakaagsan baad ku sii arki doontaaye. "Intii qar jirey quruurux isna waa jirey," amaba haddii si kale loo yiraahdo, intii kookan dad ku noolaa, Soomaali iyana waa ku noolayd. Sooyaalka uu hadda hayo, dadku waxa uu ugu horreyn ka daqaqamay Afrikada Bari, gaar ahaan Itoobiya. Haddaba, Baadisooc waxa uu culayska saarayaa sooyaalka xeebaha Soomaalida-oo waxa hor looga yiri iyo dhabtu ay aad u kala durugsan yihiin. Dadka dalka Uustaraaliya loogu tegey oo 50,000 dabshid ka hor in ay halkaas tageen hadda la soo dambeysiinayo xaggee ka tageen? Soomaaliya ama Geeska Afrika ma tahay? Ciddii u horreysay oo qalab badda lagu goosho samaysa Soomaali ma tahay? Sooyaalka guud ee aadanaha baa arrintaas wax ka qiraya. Degmada Xaafuun oo weli birriga ku xiran gaar bay u caasiyoobi doontaa, ee waa goorma? Si tuhunkaas wax looga ogaado, Baadisooc waxa uu dib u eegayaa sooyaalka xeebaha Soomaalida. Iyada oo biyaha lagu gooshayo, waxaa baaritaanku ka bilaabanayaa magaalada Jabuuti ee isgoyska badda Cas iyo Gacanka Berbera oo hadda dunida kale ugu yeerto Gacanka Cadmeed-halka uu geeddigu ku hakanayo tuulada Kaambooni ee soohdinta Soomaaliya iyo Keenya. Waxaa lagu dadaalay in magaalo kasta oo xeebaha Soomaalida taal, iyo jasiirado badan oo Soomaali badan aysan laba socon in ay dalka Soomaaliya ka mid yihiin, mid-mid looga hadlo. Arrimo cusub oo amakaag iyo dhiirrigelin intaba kugu dhalin doona baa dhiganuhu kuu soo bandhigayaa. Haddana, Baadisooc waxa uu doonayaa in halkaas laga sii ambaqaado, oo sooyaalka Soomaalida aan dib dambe cid kale marti loogu noqon.

Recommended

Format: Paperback

Condition: New

$74.57
Save $11.21!
List Price $85.78
50 Available
Ships within 2-3 days

Related Subjects

History

Customer Reviews

0 rating
Copyright © 2025 Thriftbooks.com Terms of Use | Privacy Policy | Do Not Sell/Share My Personal Information | Cookie Policy | Cookie Preferences | Accessibility Statement
ThriftBooks ® and the ThriftBooks ® logo are registered trademarks of Thrift Books Global, LLC
GoDaddy Verified and Secured