Sababta Buuggan loo qoray
Buugaagta qaarkood waxa la qoraa marka qoraagu wax badan ogaado. Kuwa kalana waxa la qoraa marka weydiin muddo dheer qalbiga ku nooleyd ay jiif iyo joogba kuu diido ila aad warcelin sax ah u hesho. Buuggani wuxuu ka tirsan yahay nooca labaad.
Ma dhalan maalintii aan qalinka qaatay. Waa maxsuul ka dhashay u kuurgal sannado badan aan ku samaynayay xaaladaha qoyska soomaaliyeed, waa wax aan maqlay, arkay iyo waxa aan mararka qaarkood ereyo loo waayay.
Waxa aan la kulmay carruur, waalidiin iyo qoysas kala duwan. Sheekooyinkoodu waa ay kala duwanaayeen; duruufahooduna waa ay kala geddisnaayeen. Laakiin mar kasta waxa aan arkayay hal isir oo aan isbeddelin kaas oo ah Dhaawac isku mid ah oo wejiyo kala duwan u soo shaacbaxaya.
Waxa aan arkay carruur aammusan, balse jidhkoodu ka warramayo wax aan afkoodu sheegi karin. Waxa aan arkay waalidiin carruurtooda si daacad ah u jecel, hase yeeshee aan ogayn in jacaylku mararka qaarkood aanu gaadhin qalbiga ilmaha haddii aanu la socon ammaan, fahan iyo joogitaan. Waxa aan arkay dad waaweyn oo si fiican u nool, balse weli gudahooda ku sita dhaawacii dhallaannimo.
Waxaas oo dhami waxa ay qalbigayga ku abuureen hal weydiin oo aan warcelinteeda baadigoobayay in muddo ah:
Maxaa ku dhaca ilmaha marka dadka ugu dhow ee uu ku tiirsan yahay ay iyaguna dhaawac xambaarsan yihiin?
Muddo dheer waxa aan u malaynayay in jawaabtu ku jirto sheekooyinka dadka kale. Laakiin ugu dambayn, waxa aan ogaaday in qof kasta oo doonaya inuu fahmo carruurta ay lamahuraan tahay in uu dib u eego ayaamihiisii u horeeyay ee dhallaannimo iyo xaaladdii uu ku soo koray.
Markii aan halkaas istaagay, waxa aan fahmay xaqiiqo fudud, balse nolosha beddesha.
Dadka waaweyni waxa ay xusuustaan dhacdooyinka, carruurtu se waxa ay xusuustaan dareenka. Qofka weyni wuxuu xusuustaa waxa la yidhi, ilmuhuna wuxuu xusuustaa sida uu qalbigiisu u dareemay.
Halkaas ayay ahayd meeshii buuggani ka dhashay, ujeedka buuggani ma aha in uu bixiyo jawaab kasta, balse waa in uu iftiimiyo su'aalo aynu muddo dheer ka aammusanayn.
Haddii uu kaa caawiyo in aad si dhab ah u fahanto naftaada, hal ilmo am hal waalid, markaas hadafkii buuggan waa la gaadhay.