Skip to content
Scan a barcode
Scan
Paperback Xantaysi [Somali] Book

ISBN: 1838400826

ISBN13: 9781838400828

Xantaysi [Somali]

Buugyarahani waxa uu tibaaxi doonaa taariikh nololeedkii, Alle ha u naxariistee, Ugaas Xirsi Ugaas Maxammed oo noolaa qarnigii labaatanaad. Masuulkaan oo ahaa reer Gedo ayaa taariikh mug weyn iyo saamayn xididdo aasatay ku yeeshay bulshada reer Waamo iyo gobollada deriska la ah. Wuxuu buugyarahani tilmaami doonaa noloshii kala duwanayd ee uu maray Ugaasku yaraantiisi ilaa dhimashadiisi. Shaqadiisi, waxtarkiisi, iyo caqabadihii uu la kulmay intuu taajku saarnaa ayuu wax ka mid ah iftiimin doonaa.
Noloshii Ugaaska waxaa la socda, oo uu buuggu faaqidi doonaa, gobolka Gedo. Juquraafigiisa ayuu meelo ka iftiimin doonaa. Taariikhda gobolka ayuu si mug leh u dhex jibaaxi doonaa isaga oo findhicili doona dadkii kala duwanaa ee soo maray, qaar ka mid ah dagaalladii ka dhacay, iyo isbaddalladii uu maray gobolku ilaa si buuxda loogu aqoonsaday mid beel gaar ah caan ku tahay. Wuxuu isku dayi doonaa inuu ka jawaabo su'aalo muddo taagnaa siina jiri doona. Kuwaas oo ay mid yihiin: Gedo yaa asal u lahaa? Oromo iyo Soomaali kee ku soo horreeyay Waamo? Daaroodku goormuu yimid, gaar ahaan Marreexaan waqtigee Gedo soo galay? Iyo kuwo kale. Wuxuu suuragalin doonaa buuggu in dadkeennu uu helo xogo laga qoray dhulkooda waayo hore kuwaas oo ku qornaa afaf kale. Wuxuu akhristayaasha xiiseeya taariikhda dalkooda u bixin doonaa ilo ay ka heli karaan xogaha ay u baahan yihiin.

Recommended

Format: Paperback

Condition: New

$18.05
Ships within 2-3 days
Save to List

Customer Reviews

0 rating
Copyright © 2026 Thriftbooks.com Terms of Use | Privacy Policy | Do Not Sell/Share My Personal Information | Cookie Policy | Cookie Preferences | Accessibility Statement
ThriftBooks ® and the ThriftBooks ® logo are registered trademarks of Thrift Books Global, LLC
GoDaddy Verified and Secured